Midowga Yurub oo madaxda Siyaasada Somalia ugu hanjabay talaabo adag

Midowga Yurub ayaa si adag ula hadlay hogaamiyayaasha Soomaalida, ka dib War-saxaafadeed laga soo saaray magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell ayaa waxaa lagu sheegay in kuwa curyaaminaya wadahadalada ama isku dayaya inay adeegsadaan qalalaaso ay la kulmi doonaan cawaaqibka ka dhasha tallaabada ay qaadeen.

“Madaxda Soomaalida ee heer federaal iyo heer maamul-goboleed waa inay qaataan mas’uuliyadda oo ay qabtaan doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxweynaha” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay ineysan taageeri doonin doorashooyin la isku khilaafsan yahay oo ka dhaca Somalia.

Waxaa hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay isku tanaasulaan si deg deg ah si xal loogu helo nidaamka doorashada iyo sidii awoodda loogu wareejin lahaa si nabadgelyo ah, iyadoo la dhaqangelinayo heshiiskii 17 Sebtember.

“Ma furna jid kale oo aan doorasho ahayn, isbar-baryaac iyo doorashooyin aan loo dhamayna ma heli doonaan taageeradeenna” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka Midowga Yurub.

Digniintan ka soo yeertay Midowga Yurub ayaa ku soo beegmeysa xili qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ay diidan yihiin iney ka qeyb galaan shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka DF iyo dowlad goboleedyada oo ay qaban-qaabadiisa leedahay DF, iyagoo ku xiray shuruudo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -