Muuse Biixi: “Shacabka Muqdisho waa dad afduuban oo sidii la rabo laga yeesho”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sanadle ah ka hor jeediyey golaha wakiillada Somaliland ayaa hadlay arrimo dhowr ah, isagoo soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa khudbadiisa diirada ku saaray xaaladda guud ee Somaliland, isagoo si faahfaahsan uga hadlay arrimaha doorashooyinka, dhaqaalaha, amniga iyo horumarada uu gaaray maamulkiisa mudadii sanadka aheyd ee la soo dhaafay.

“Amniga iyo Degenaanshaha Bulshada waxa ugu horreeya in Bulshadu wax wada yeelato, iskaashato, isna aaminto. Taana waxa tiir-dhexaad u ah hawlaha culus ee ay innoo hayaan Hay’adaha Garsoorka. Waxa hubaal ah in Waaxda Garsoorku tahay Xabagta isku haysa Shacabka” ayuu yiri Muuse Biixi.

Mar uu ka hadlaayey arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay Muuse Biixi in shacabka reer Muqdisho ay yihiin dad afduuban sidii la rabo laga yeesho, sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in madaxda talada heysa ay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka Soomaaliyeed sii kala fogaynaya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xafiiska sii joogo, isagoo aan u heysan wax sharciyad ah.

“Maanta Muqdisho dowladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran, sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa, waana maamulayaa.” ayuu yiri Muuse Biixi..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -