Wakiil ka socday Fahad Yaasiin oo la sheegay in uu fashiliyay Shirkii Xukuumada iyo Musharaxiinta

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ahaa Xildhibaanadii ka qeyb galay shirkii u dhaxeeyay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyay sababihii shirkaasi fashiliyay iyo cida masuulka ka aheyd.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in shirka fashiliyay Taliyaha Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo fariin qoraaleed usoo dirayay Ra’isul Wasaaraha iyo wakiil isaga kulanka ku matalayay.

Mahad Salaad ayaa Tilmaamay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo sidoo kale ah Wasiiru dowle katirsan Xukuumada Rooble wakiil shirka uga ahaa Fahad wax walbo la isku qabtana uu fariin ugu dirayay kana sugayay go’aanka ugu dambeeya.

”Nasiib daro sagaalka saacadood uu shirka socday qofka la doodayay musharaxiinta ee wax diidayay ma aheyn Rooble, ma aheyn Cumar Finish ee waxa uu ahaa C/raxmaan Dheere oo Wasiiru Dowle ah, markasta oo Rooble codsi ama talo loo soo jeediyo waxa uu ku ahaa  caqabad , waxa kaliyana uu meesha ka akhrinayay waxa ay aheyd fariimo uu Fahad Yaasiin soo dhiibayay ,wax kasta hala qoro hala isoo diro ayuu fariin ku lahaa Fahad Yaasiin ,Fariin ayaa loo dirayaa Fahad kadib jawaabta waxa ay noqoneysaa waxaas kuma qanacsanin taas oo shirka caqabad ku noqotay” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble lawada arkay lagana qancay, waxa uuna cadeeyay in Rooble yahay Siyaasi asal ma doorshe ah oo wax Fahad iyo Farmaajo u sheegaan mooyee aan talo kale gacan ku heyn.

”Rooble maanta waa wada arkeen ,weyna kawada qanceen ehel, asxaab ,shisheeye iyo sukeeye ,Islaam iyo Gaalo, waa lawada arkaa in uu yahay Siyaasi asal ma doorshe ah, wax  Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u sheegayaan mooyee talo kale mahayo , go’aana ma gaari karo kaligiis” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya Xili Rooble ku fashilmay in uu la heshiiyo musharaxiinta mucaaradka oo u badan dad isku beel yihiin, waxaana Musharaxiinta sheegeen in Rooble gacantiisa talo ku jirin wax go’aan ahna uusan gaari karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -