Geelle: “Dadkayga ayaa igu khasbaya inaan markii Shanaad ka qeyb galo doorashada”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu mar kale isku sharraxay xilka doorashada bisha soo socoto dalkaasi ka dhici doonto ayaa sheegay inuu goa’aansaday inuu ka qeybgala tartankii markii shanaad ka dib codsi uga yimid shacabka.

Geelle oo awoodda hayay tan iyo sanaddii 1999-kii ayaa sheegay in dadkiisa ku khasbayaan inuu u tartama doorashada madaxtinnimada ee dhaceysa 23 April.

“Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya. ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeyo(tartanka) oo aan sii joogo,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu gaboobay, shaqada uu hayayna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan.

Geelle ayaa Marar badan oo hore sheegay inuusan u tartami doonin xilka doorashada balse go’aankaas kama dhabeyn, waxaana dad badan ay ku sifeeyaan inuu ka mid yahay keligii taliyeyaasha fara ku tiriska ah ee ku haray qaarada Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -