Muxuu Jen. Odowaa kala hadlay saraakiisha ciidamada gobolka Hiiraan (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Taliyaha AMISOM ayaa kormeeray xarunta AMISOM ee magaalada Beladweyne.

Saraakiishan ayaa xog-wareysi la yeeshay taliyeyaasha ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan iyagoo kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab, kuwaasoo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga iyo cidamada AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada xoogga ku booriyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka.

Waxaa uu kula dardaarmay inay labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

“Maanta waxaan soo dhaweynay Abaanduulaha Ciidamada AMISOM, Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo taliyaha qeybta lugta ee Soomaaliya kuwaas oo u yimid in ay sare u qaadaan howlgalada wadajirka ah ee ay dhawaan bilaabayaan AMISOM iyo SNA oo lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaanada ku harsan gacanta Al-Shabaab. Wadahadal dheer ayey yeesheen waxayna isla garteen inay miiska soo saaraan wixii ka soo baxay kulankooda kulanka xiga ee u dhexeeya AMISOM iyo SNA ”ayuu yiri Col. C/raxmaan Riyaale Xareed, taliyaha ciidamada Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -