Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo markii Saddexaad baaqday

Dib u dhac ayaa markii 3aad ku yimid kulan uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Labada Maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa qoraallo ay soo kala saareen ku qaadacay kulankaas, waxayna ku baaqeen in kulan kasta oo ku saabsan arrimaha doorashada lagu qabto meel amni ah, iyada oo Puntland ay si gaar ah u dalbatay xarunta Xalane.

Farmaajo ayaa horay u iclaamiyay 15kii bishii hore ee Febraayo shir ka dhici lahaa Garowe, kaddib markii uu fashilmay shirkii Dhuusamareeb, Puntland ayaa ku gacan seyrtay inuu shirkaas ka dhaco Garowe, taas bedelkeed waxay soo jeedisay inuu ka dhaco Muqdisho.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo saaray war saxaafadeed uu shir isugu yeeray dowlad goboleedyada 18-19 Febraayo shir ka dhici doona Muqdisho, hase ahaatee ma suuragelin sababo la xiriira iyadoo xilligaas ay Muqdisho ka jireen xiisado siyaasadeed iyo bannaanbaxyo ay iclaamiyeen Mucaaradka DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -