Puntland oo shan cisho u qabatay qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay

Puntland ayaa muddo shan cisho ah u qabtay 14 ka tirsan shaqaalaha xafiiska Qaramada Midoobey ku leedahay magaalada Garoowe.

Shaqaalahan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa lagu eedeeyey inay iska bixin waayeen canshuur ku waajibtay, iyadoo shanta cisho ee loo qabtay la doonayo iney ku bixiyaan canshuurta waxayna magacyadooda kala yihiin.

1-Xamdi Cabdiraxmaan Cali oo u shaqeysa UNDP

2-Axmed Xasan Maxamed oo u Shaqeeya UNDP

3- Cabdinaasir Maxamed Xasan oo u Shaqeeya  UNDP

4-Maxamed Maxamuud Gees  oo u Shaqeeya  FOA

5-Naciimo Saciid Faarax  oo u Shaqeysa UNDP

6- Cali Cabdullaahi Cali Faarax  oo u Shaqeeya  UNDP

7- Abshir Yaasiin Saalax oo u Shaqeeya  FAO

8-Seytuun Cartan Awaare oo u Shaqeeysa  UNDP

9-Cawil Cabdinuur Yuusuf oo u Shaqeeya UNDP

10-Cabduqaadir Maxamed Muuse Beeldaaje oo u Shaqeeya  FAO

11-Muqtaar Maxamed Jaamac oo u Shaqeeya  WFP

12-Maxamed Maxamuud  Xasan oo u Shaqeeya  FAO

13-Maxamed Cali Ibrahim oo u Shaqeeya FAO

14-Barqad Shire Yuusuf FAO

Xeer-ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in hadii mudadaas loo qabtay  cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonaan in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonto.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 14 galdacwadeed laga soo gudbiyay Shaqaalaha Qaramada Midoobay taasoo ku aadan in ay diideen bixinta Canshuurta ku waajibtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -