Dowlada Somalia oo sheegtay ineysan aqbaleyn dibed-bax khal khal gelinaya amniga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mohamed Abdirizak Mohamud. ayaa golaha amaanka ee QM kaga warbixiyay taariikhdii dheereyd ee ay soo mareen arrimaha Doorashooyinka, laga soo bilaabo 2017 in Siyaasadda Dowladda Federaalku aheyd in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah, si dadka Soomaaliyeed fursad ugu helaan inay doortaan madaxdooda.

Waxaa uu ka haday shirarkii farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada ee ugu danbeyntii horseeday diyaarinta Qabyo-qoraalkii Sharciga Doorashada Qaranka ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya meel marisay, isla markaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen labada Gole ee Baarlamanka,Madaxweynuhuna saxiixay

Mohamed Abdirizak Mohamud ayaa xusay in tanaasul badan ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay arrimaha doorashada, balse mar walba Madaxda labada Dowlad Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ahaayeen caqabad joogtada ah.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhameystirka iyo in qaliinka lagu duugo heshiiskii Kooxda Farsamada ee Baydhabo ka gaareen xal u helidda tabashooyinka Doorashada.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in maqnaashaha Dani iyo Madoobe ay uga gol leeyihiin inay fursad siiyaan qulqulatooyin hubeysan oo lagu hoos qarinayo banaanbax nabadeed, waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay oggoshahay banaaanbax nabadgelyo iyo in dadka Soomaaliyeed cabiraan rabitaankooda, balse aan marna la aqbali doonin in Amniga Qaranka, Sharciga iyo kala dambeynta la burburiyo, taasina ay Dowladdu si buuxda u daafici doonto.

Mohamed Abdirizak Mohamud Waxaa uu Wasiirku Golaha u sheegay in wadada kaliya ee furan ay tahay hirgelinta heshiiskii September 17, iyo isafgaradkii Guddiyada Farsamada ku gaareen Baydhabo, isagoo dhinaca kale cambaareeyay dowlado Shisheeye ee ku howlan carqaladeynta hannaanka Doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -