C/raxmaan C/shakuur: “Beesha caalamku waxay u turbaan tumayaan Farmaajo”

Golaha Midowga musharraxiinta oo maanta ku qabtay magaalada Muqdisho shir jaraa’id ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka hadlay ka mid ahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo beesha caalamka ku eedeeyey iney Madaxweyne Farmaajo ku garab taagan yihiin ku xad gudubka sharciga iyo khaladaadka uu sameynayo.

“Beesha Caalamka iskuma haleyneyno, waa nimanka u durbaan tumaaya Farmaajo oo xilligiisii dhammaaday, waxaad aragteena sameeyay, cidda weli la shireysa oo mas’uuliyad iyo sharciyad inuu leeyahay kula macaamileysa waa beesha caalamka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdisakuur.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Anaga waxaan rabnaa inaan mudaharaadka iyo nabadda wax ku badalno, cid kale oo aan isku haleyneyno ma jirto oo anaga aan ahayn.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii Xamar ka dhacay 19-kii Febraayo iyadoo aan meel la saarin aan wax kale laga hadli karin, oo markii xal laga gaaro wixii dhacay kadib doorasho laga wadahadli karo, “Arrintaas waa mowqif aan laga gudbi karin” ayuu yiri.

“Xalay hadalkii Saciid Deni waxa uu fashiliyay doorasho been ah oo meeshan ka socotay, Farmaajo waa fashilmay qorshihiisana waa uu fashilmay. Farmaajo waxuu isku dayi doonaa in uu ku dhaco isqarxintii u dambeysay, waxaan rabaa in dadka reer Muqdisho ay digtoonaadaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka Daawo Hadalka Cabdiraxmaan Cabdisakuur

 “Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa dibedbax nabadeed Jimcaha soo socda. Farmaajo wuxuu na kala dooransiinayaa diktatooriyad iyo dagaal sokeeye. Ummadii kale way diidday, innaguna waxaan ku diideynaa dibedbax nabadeed” ayuu intaas ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -