Xassan Shiikh: “Ciidamada DF ayaa na soo weeraray aniga iyo Shiikh Shariif”

Madaxweynihii hore ee Somalia, kana tirsan musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay dagaalka caawa saqdii dhexe ka qarxay magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeya ciidamada DF iyo kuwa Mucaaradka.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay nawaaxiga Hotelka Naasa hablood 2 oo ay degan yihiin musharaxiinta mucaaradka qaarkood iyo taalada daljirka Dahsoon oo ah goobta loo asteeyey inuu beri ka dhaco dibed-baxa ay soo qaban-qaabiyeen Mucaaradka.

“Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga & madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed” ayuu yiri Xassan Shiikh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.

Xassan Shiikh oo hadalkiisa sii wata ayaa nasiib daro ku sifeeyey in la daadiyo dhiiga muwaadin doonaya inuu fekerkiisa ku cabiro banaanbax nabadeed.

“Waa nasiib darro in Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda  ku cabbirayaan” ayuu yiri Xassan Shiikh.

Xaalada goobihii caawa dagaaladau ka dhaceen ayaa degan inkastoo laga maqlayo rasaas goos goos ah oo mararka qaar xoogeysanaysa, marna qaboobeysa welina ma jiro hadal ka soo bax ay DF oo u saabsan dagaalkan.

Sidoo kale, Shiikh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri : “Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo ku soo duulay Hoteelka Maa’ida  oo aniga, Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay, Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya inuu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda u dhiibtaan si nabad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

- Advertisement -