Jawar Max;ed oo aqoonsan waayay Hooyadiis oo xabsiga ku booqatay

Jawar Maxamed oo kamid ahaa dadkii isbadalka u horseeday dalka Itoobiya magac weyna ku yeeshay dalkaasi ayaa xiligan xaalad adag ku wajahaya xabsi uu ku xiran yahay ,kadib markii uu kahor yimid siyaasada saaxiibkii hore Abiy Axmed.

Hogaamiyahan oo taageero badan ku dhax leh dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada uu kasoo jeedo ayaa bilooyin kahor la xiray kadib markii lagu eedeeyay rabshado dalkaasi ka dhacay iyo in uu hub sharci daro ah heestay.

Tiruneh Gemta oo ka tirsan golaha fullinta Oromo Federal Congress (OFC) ayaa Warbaahinta u sheegay in xaalad adag ku heesato gudaha xabsiga Jawar Maxamed iyo sadex xubnood kale oo la xiran.

Jawar Maxamed iyo xubnaha la xiran ayaa la sheegay in ay cuntada kasoomeen , waxa uuna sheegay Mr Gemta in xaalad caafimad daro gudaha xabsiga ku heesato xubnahan u xiran dowlada uu Abiy Hogaamiyo.

Waxa uu sheegay Tiruneh Gemta in xaalada caafimaad ee Jawar Maxamed ay aad usii xumaatay, waxa uuna tilmaamay in xitaa uu garan waayay hooyadiis oo xabsiga ku booqatay.

“Waxaan u tegay Isniintii , xitaa ma hadli karin.. Jawaar Maxamed wuxuu garan waayay hooyadiisa oo booqasho ugu tegtay , waxa ay u baahan yihiin adeeg caafimaad oo deg deg ah Jawar iyo xubnaha la xiran ” ayuu yiri Tiruneh Gemta .

Tiruneh Gemta ayaana ugu baaqay beesha caalamka iyo Hay’addaha u dooda xaquuqda aadanaha in dowlada Itoobiya cadaadis ku saaraan sidii xabsiga looga sii deyn lahaa Jawar Maxamed iyo xubnaha la xiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -