Qaramada Midoobay oo digniin culus ka soo saartay xaalada Magaalada Xudur

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka gargaarka ee OCHA ayaa ka deyrisay xaaladda cunto ee magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Qoraal ay soo saartay OCHA ayaa waxay ku sheegtay in raashinka uu gabaabsi yahay kaddib markii magaalada ay gashay  go’doon, taasna ay sababtay in sicirka cuntada uu sare u kaco, dadka badankiisna ay awoodi waayaan iney iibsadaan.

OCHA waxay tilmaamtay inay cabsi ka qabto in xaaladda ka jirta Xuddur ay sii murjiso dhibaatada bani’aadanimo ee horay uga jirtay degaankaas, iyadoo ugu baaqday maamulka Koonfur galbeed iyo hey’adaha gar-gaarka inay gacan ka geystaan caawinta shacabka Xuddur.

Al-Shabaab ayaa go’doomisay magaalada Xudur, iyadoo dagaalyahanada kooxdaas ay wadada u galaan, ka dibna gubaan raashinka ganacsiga loo geeyo magaalada Xuddur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -