Dowlada oo War kasoo saartay Maleeshiyaad hubeesan oo isku aruursaday Duleedka Muqdisho

Waxaa dhawaan la baahiyay Muuqaalo laga soo qaaday maleeshiyaad aad u hubeesan oo ku sugan Duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo sheegayay in ay kasoo horjeedaan in dalka ka dhacdo doorasho boob ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad doorashada ka soo horjeeda oo duleedka Muqdisho isku abaabulaya.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah muuqaaladaas la marin habaabiyey iyo kuwa la mid ka ah baahinaya, inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, been sheegistuna maaha madaxbanaan” ayuu yiri mudane Al-cadaala.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya ayaa imaanaya xili hadal heyn badan abuurtay ciidankan isku aruusaday duleedka magaalada Muqdisho ee sheegayay in ay kasoo horjeedaan in dalka ka dhacdo doorasho aan raali laga aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -