Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Kulankii RW Rooble & Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska RW

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu mar kale xaqiijiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.

Dhinaca kale C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal uu isna soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu kaga waramada qodobada looga hadlay kulanka uu ka la qaatay RW.

“Waxaan xafiiskiisa kulan ku yeelanay Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ah, mudane Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo. Wuxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda. Waxaan kalooo ka wada hadalnay xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada, si wadajir ahna looga shaqeeyo xasiloonida dalka” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Sharciga Doorashooyinka Qaranka mugdi badan ayaa ku jira”

Caydiid Ali

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo caawa lagu weeraray Dhuusamareeb

Caydiid Ali

RW Somalia & wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya (Ujeedka)

Caydiid Ali