(Sawirro) Muuse Biixi oo si weyn loogu soo dhoweeyey Hargeysa ka dib booqashadii Kenya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo safar qaatay muddo  saddex cisho ah ugu maqnaa dalka Kenya ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Hareysa.

Waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, qaar ka mida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, Salaadiin iyo masuuliyiin kale. Waxaana weftiga madaxweynaha si balaaran loogu soo dhaweeyey jidadka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo bulshada qaybeheedu hareero tubnaayeen.

Mudane Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa faahfaahin ka siiyey ujeedada safarkaas iyo guulaha Somaliland kasoo hoysay heshiisyadii ay lasoo gashay dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo ay ka waydiisay arrimaha safarkaasi.

Intii Muuse Biixi uu ku sugnaa magaalada Nairobi dowlada federaalka Somalia ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya, iyadoo ku amartay iney diblomaasiyinteeda safaarada Muqdisho ay dalka uga baxaan 7 cisho, halka kuwii Soomaalida ka joogay kenyana lagu amray iney ka soo baxaan dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -