Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada oo kulan aan Caadi aheyn maanta yeelanaya iyo Go’aanada laga yaabo in ay…

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah kulan aan caadi aheyn isugu yimaadaan, waxaana Wasiirada lagu wargaliyay kulankan oon ajandihiisa wali la shaacin.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha Wasiirada Soomaaliya yeelan jireen ayaa baaqday, waxaana golaha Wasiirada lagu wargaliyay in shirka uu dhacayo maanta oo sabti ah uuna ka duwan yahay shirkii caadiga ahaa.

Xoggo soo baxaya ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada maanta laga yaabo in laga soo saaro go’aano adag oo ka dhan ah maamulka Jubbaland oo ka biyo diiday doorashada Soomaaliya iyo sida ay u socoto qaban qaabadeeda.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in dood adag ka yeeshaan doorashada muranka ku jiro qabsoomideeda iyo howlgalinta guddiyada doorashada ee kasoo horjeedaan Musharaxiinta Madaxweyne.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir sidoo kale ah Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa uga digay Ra’isul Wasaare Rooble in uu qaato go’aan uu deegaan cadaw heesto ugu tilmaamayo deegaanada Jubbaland.

Shirka ay yeelanayaan maanta golaha Wasiirada Soomaaliya ayaana si weyn isha loogu hayaa waxa kasoo bixi doono, waxa ayna dadka qaar qabaan in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uusan laheyn go’aano uuna qaato kuwa looga soo yeeriyo Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dubbe: “Ciidanka Qaranka ayaa soo afjaray abaabul ay wadeen Kooxo Qaran dumis ah”

Caydiid Ali

Xuseen Iidow oo mar kale loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Ciidamada Somaliland oo qabtay Maxaabiis uu ku jiro Xildhibaan iyo Gaari Dagaal (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---