Ciidamada Federaalka Itoobiya oo kusii siqaya Caasimada Tigrey iyo Buundooyin la jaray 

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada federaalka guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan xoogaga sida weyn u hubeesan ee daacada u ah maamulka Tigrey.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaana magaalooyin iyo deegaano dhoor ah kala wareegay xoogaga Tigrey, waxaana ciidamada federaalka la sheegay in hada kusii dhawaanayaan magaalada Makelle ee caasimada u ah maamulka Tigrey.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo kuwa taabacsan maamulka Tigrey ayaana sii xoogeesanaya maalinba maalinta ka dambeesay, ciidamada ayaana duqeymo xoogan ku wada xarumo ciidan iyo goobo kale oo muhiim u ah maamulka Tigrey.

Xoogaga taabacsan Tigrey ayaana doonaya in ay difaacdaan magaalada Makelle ee xarunta u ah maamulka Tigrey, waxa ayna ciidamada jareen buundooyin magaalada loo soo maro iyo magaalooyin kale si ay u adkeeyaan in ciidamada federaalka soo galaan.

Dagaalka socda ayaa horseeday in dad badan ay dhintaan, waxaa sidoo kale dagaalka ka barakacaya kumanaan kun qof kuwaa oo badankood galay dalka Sudan si ay uga bad baadaan colaada aloosan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -