Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo War cusub kasoo saaray dagaalka ka socda gobolka Tigrey

Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya qeybo kamid ah waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka ee dowlada Itoobiya iyo ciidamo kale oo daacad u ah xisbiga maamulada Ismaamulka Tigrey.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dagaalka ka socda gobolka Tigrey ku dhaw yahay gabo gabo, waxa uuna cadeeyay in maalmaha soo socda lasoo afjari doono howlgalka socda.

“Qeybihii ugu dambeeyay ee howlgalka ciidamada xoojinaya sharciga ayaa ka socda gobolka Tigrey, waxaana la soo afjari doonaa howlgalkan maalmaha soo socda,” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Abiy.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa u mahad celiyay dagaalyahanada taabacsanaa xisbiga TPLF ee isa soo dhiibay kana faa’iideestay cafiska dowlada, mana sheegin Abiy tirada dagaalyahanada isa soo dhiibtay.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo dagaalyahanada TPLF ayaa kusii faafaya goobo hor leh, waxa ayna saraakiisha Tigrey sheegeen in ciidamada duqeeyeen goobo shacab oo kuyaala magaalada Makelle ee caasimada Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyo heysatay 8 caruur ah oo si bareer ah loogu dilay magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xil ka qaadis iyo magacabais sameenaya Saacadaha soo socda

Cabdi Cade

Qarax caawa ka dhacay Muqdisho & xarun Shirkad Isgaarsiineed oo lala beegsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---