Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo dhaqaale siineysa qoysas uu saameeyay Ayaxa iyo Diiwaan galin bilaabatay (Sawirro)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal  ku jooga Puntland, ayaa maanta booqday deegaannada uu saameynta ka geystay Ayaxa ee gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa sidoo kale tagey goobo ay ka socotay diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa, kuwaaso taageerro ka helaya Dawladda.

“Waxaan u nimid halkan si aan u oggaano sida ay ku socoto diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee beeralayda ah,kuwaaso qeyb ka ah Qoysas ay Dawladdu taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siin doonto.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Jibagale ee hoos taga degmada Garoowe.

Duraan Axmed Faarax, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inay Dawladda ka go’antahay sidii dhaqso looga jawaabi lahaa xaaladaha deg degga ah oo uu ka mid yahay Ayaxa oo saameeyay beeralay badan.

Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee ku nool in ka badan 40 degmo oo dalka oo dhan ah ayaa lacag caddaan ah muddo lix bil ah ka heli doona mashruuca ka jawaabaya saameynta Ayaxa ee Baxnaano oo qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“ Mashruucan waxaan u daba galeyna si uu guul ugu dhammaan lahaa xilliga loogu talagalay,cidda ku habboona ay uga faa’iideysan lahayd, waa arrin suragalinaysa taageerro ballaaran inay helaan dadkeenna nugul iyo kuwa xaaladaha deg degga ay soo food-saaraan.” ayuu ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax nooc cusub ah oo saaka ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay musharaxnimada Mukhtaar Roobow

Caydiid Ali

War-saxaafadeed cusub oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---