Dagaalkii Armenia & Azerbaijan oo meel xun maraya & Maraykanka oo soo fara geliyey

Dagaallo culus ayaa wali ka socda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, iyadoo dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ay midba tan kale ku eedeynayso in ay ka danbeeyso duqeyn loo geysanayo deegaannada ay ku badan yihiin rayidka.

Waxaa wali socda dadaallo diblumaasiyadeed oo caalami ah oo lagu doonayo in xabbad-joojin lagu kala dhex dhigo labada dhinac.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay wasiirrada arrimaha dibadda ee Armenia iyo Azerbaijan in dagaalka lasoo afjaro lana badbaadiyo dadka rayidka ah.

Pompeo ayaa Jimcihii shalay magaaladan Washington kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijani Jeyhun Bayramov iyo dhiggiisa Armenia Zohrab Mnatsakanyan.

Wadahadalka ay dowladda Mareykanka ku dhex-dhexaadineyso Azerbaijan iyo Armenia ayaa imanaya ka dib markii ay fashilmeen laba isku day oo ay dowladda Ruushka ku dooneysay in ay xabbad-joojin ku kala dhex-dhigto labada dowladood.

Maamul hoosaadka dadka Armeeniyaanka ah ee deggan Nagorno-Karabakh ayaa sheegay in gantaallo xalay laga soo tuuray Azerbaijan ay ku dheceen degmada Martakert iyo xaafado dhowr ah oo ku yaalla gobolka Martuni.

Waxay kaloo sheegeen in dhankooda laga dilay 927 askari iyo 30 qof oo rayid ah.

Milatariga Azerbaijan wali ma xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha ka soo gaaray dagaalka, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in 63 qof oo rayid ahi ay ka dhinteen halka 292 kalana ay dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -