Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Azerbaijan iyo Armenia oo heshiis cusub gaaray kadib cadaadis la saaray

Dowladaha Azerbaijan iyo Armenia ayaa xalay xili dambo gaaray heshiis xabad joojin ah , kadib dagaal dhiig badan ku daatay oo mudo bil ku dhaw u dhaxeeyay ciidamada milatariga labada dal.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradaha arimaha dibadda labada dal ee dagaalka u dhaxeeyay ayaa lagu shaaciyay heshiiskan xabad joojinta bini’aadanimo, kadib dagaalo culus oo labada dal ku dhax maray gobolka la isku heesto ee Nagorno-Karabakh.

Dowladaha Ruushka iyo Faransiiska ayaa labada dal ku cadaadiyay in ay gaaraan heshiiska xabad joojinta ah si xal loogu raadiyo colaada labada dal ka dhax aloosan ee galaafatay nolosha dad badan.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron iyo Wasiirka arimaha dibadda Ruushka ayaa ugu baaqay dowladaha Azerbaijan iyo Armeniay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaareen.

Heshiiskan xabad joojinta ah ay gaareen labada dal ee colaada u dhaxeyso ayaa imaanaya xili uu horey u bur buray heshiis xabad joojin ah ay gaareen, lamana oga in heshiiskan cusub ee labada dal gaareen uu hirgali doono iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaamiyaha kooxda Taliban oo u digay Maraykanka ka dib heshiiskii Doha

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo iska dhega tiray digniinta Mucaaradka & Qoor-qoor oo..

Caydiid Ali

Sacuudiga & Imaaraadka oo ka qeyliyey go’aan ka soo baxay dowlada Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---