Dayuurad Qaad siday oo 7 bilood ka dib soo caga dhigatay Muqdisho (Mala fasaxay?)

Dayuurad la sheegay iney Qaad ka keentay Itoobiya ayaa maanta soo caga dhigatay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka COVID-19 ay Soomaaliya ay kasoo dagto diyaarad Qaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin.

Madaxweyne Farmaajo oo xiriir dhow la leh Itoobiya ayaa la sheegay inuu ogolaaday in qaadka baxa dalkaas ee Hareeriga loo yaqaano la keeno dalka, iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya lagu fasaxay Qaadka Itoobiya inuu si sharci ah ku soo galo dalka.

Shirkadda dayuuradaha National Airways ee dalka Itoobiya oo laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa keligeed loo xiray iney Muqdisho keeni karto Qaadka Itoobiya, iyadoo madaxda shirkadan ay xiriir dhow la leeyihiin Villa Somalia.

Inkastoo maanta Qaadka Itoobiya ee hareeriga loo yaqaano ay Muqdisho keentay hal dayuurad oo kaliya ayay wararku sheegayaan in maalmaha soo socda ay shirkada oo adeegsaneysa dayuurado badan ay kordhin doonto shixnadaha Qaadka ee ay dalka soo geliso.

Dowlada Somalia ayaa Qaadkii ka iman jiray Kenya joojisay todoba bilood ka hor cudurka COVID-19 awgiis, balse dhowaan markii duulimaadyada Somalia dib loo bilaabay DF ayaa ka gaabsatay iney fasaxdo qaadka Kenya xurquf siyaasadeed ee labada dal ka dhexeysa awgeed sababo la xiriira muranka dhinaca xadka badda ah ee u dhexeeya oo dacwadiisu ay taallo maxkamada caalamiga ah ee ICG.

Golaha wasiirada Somalia ayaa labo bilood ka hor si aan shaac aheyn u fasaxay Qaadka Kenya hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa joojiyey talaabadaas, iyadoo Kenya ay weli dedaal xoog leh ku bixineysa sidii  mar kale ay qaadka u keeni laheyd Suuqa ugu weyn ee qaadkeeda loo iibgeeyo oo ah Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -