Duufaan wadata roobab & dabeylo xoogan oo ka bilaabatay xeebaha Puntland

Dabeylo ka kacay gacanka cadmeed oo isu beddelay duufaan xoog leh ayaa ka bilaabatay qeybo ka mid ah xeebaha bariga iyo Woqooyiga Somalia.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Roobab xoog leh oo ay wadato Duufaantan ayaa ka billowday xeebaha Puntland, gaar ahaan Sanaag iyo Heyland sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanadaas.

Masā€™uuliyiinta maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay roobabkan iyo duufaantan si weyn u saameyn doonaan, ayaa horey u soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kalluumeysatada.

Dufaanta iyo roobabkan ayaa laga cabsi qabaa inay keeni karaan dhimasho iyo dhibaato ka soo gaarta Somalia oo todobaadyaddii u dambeeyay meelaha qaar dadku ay la dhibaatoonayeen daadad ka dhashay roobabkii caadiga ahaa oo sanadkan u daā€™ay si ka badan sidii la filayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -