Maxaa Keenay In Ra’iisul Wasaare Rooble Tunka Loo Saaro Rar Uusan Qaadi Karin?

Maalintii Khamiista September 17, 2020 ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu magacaabay ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo aan hore ugu jirin masraxa siyaasadda Soomaaliya. Magacaabista Rooble waxay soo afjaraysaa in ku dhow laba bilood oo dalku ku jiray hubaal la’aan siyaasadeed.

Waxaa dhawaan laga filayaa in Mudane Rooble oo karti iyo aqoonba lagu tilmaamay inuu horgeyn doono labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka barnaamij lagu maamulo dalka inta laga gaarayo doorashooyinka la filayo dabayaaqada sanadka amase horraanta sanadka dambe. Siyaasadda Soomaaliya ayaa caan ku ah isbeddel, balse magacaabista Ra’iisulwasaaraha cusub ayaa kordhisay rajada laga qabo in laga gudbo hubanti la’aanta siyaasadeed ee waqtiga kalaguurka.

Ra’iisulwasaarihii ka horreyey Xasan Cali Khayre ayaa July 25, 2020 Golaha Shacabka kalsoonidii kala noqdeen xukuumadiisa. Bixinta Mudane Khayre waxay soo nooleeysay rajaddii mucaaradka sida ba’an u kala qaybsanaa oo ahayd inay mar uun sameystaan isbahaysi shaqeeynaya oo la tartami kara kooxda Farmaajo.

Haseyeeshee, Madaxweyne Farmajo ayaa qeexay hawsha uu muddada gaaban ee 140 maalmood laga rabo Mudane Rooble. Qoorshaha  hawlaha doorashada waxay billaabanayaan November 1, 2020, xilka Madaxweyne Farmaajana wuxuu ku eg yahay February 7, 2021, doorashada Baarlamaanka Federaalka waxay ku aaddan tahay November 27, 2020.

Hawlaha la faray Ra’iisulwasaaraha cusub waxaa ka mid ah: Inuu dhakhso u dhiso xukuumad dalka gaarsiisa doorashada islamarkiina inuu ku dadaalo sidii uu u xoojin lahaa nabagelyada dalka “gaaray”, dibudhiska xoogga Dalka iyo hormarintiisa, dhismaha kaabooyinka dhaqaalaha, la dagaallanka musuqa, iwm.

Sida dhabta ah culayska la saaray ma aha mid Ra’iisulwasaaraha cusub uu qaadi karo kuna fulin karo waqtiga yar oo harsan. Waxaa la saadaalinaayaa in marka waqtiga doorashado uu soo dhawaato, sida ay qabaan khubarada ku xeel dheer arrimaha amniga, in arrinka nabadgelyada uu noqon doono  mawduuca ugu daran sababtoo ah kooxha xagjirka waxaa laga filaayaa inay sii badiyaan weerarkooda iyo carqaladeynta doorashada.

Sidaas daraaddeed waxaa micne yeelanaya erayada kooban oo uu ku hadlay Ra’iisulwasaaraha cusub oo ay ka mid ahayd inuu la shaqeyn doono Soomaalida oo idil waqtiga kalaguurka.

Haddaba siday ku dhacday in Ra’iisulwasaaraha cusub misna ku cusub masraxa siyaasadda Soomaaliya korka laga saaro culays hawleed sidaas u adag oo u baaxad weyn waqtiga sidaas u gaaban?

Malahaa Madaxweyne Farmaajo, oo tan iyo markii uu Golaha Shacbiga uu ka xayuubay Ra’iisulwasaarihii hore Kheyre hawshiisi, qodobbadii barnaamijkiisa ka harsanaa oo uu intuu xilka hayay u halgamayay ku dhawaad dhamaantooda wada siibteen, laga billaabo: b) Doorasho Qof iyo Cod; t) Dhammaan qodobbadii lagu heshiiyay Dhuusamareeb 3; j) Khaarijinta Guddiiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo lagu beddelay Guddi iskudhaf ah oo federaal iyo gobolleedba leh, iwm.

Guusha waxay raacday maamul goboleedyada oo hantay wax allaale waxay doonaayeen, gaar ahaan maamullada Puntland iyo Jubbaland oo cududdoda muujiyay. Balse dadweynaha ayaa muujiyey dareenno kala duwan, taas oo ka dhigan in heshiiska Muqdisho oo sidiisa ah uusan baarlamaanka si sahal ah ku meel marin doonin.

Madaxweyne Farmaajo September 19, 2020 ayuu si fiican u caddeeyay arrinka marka uu yiri: “Inaan doorasho qof iyo cod ah qabto, waxaa iiga muhiimsan inaan dalka isku hayo..”, misna ku daray in dhamaan shanta maamul goboleed isku mowqif ku ahaayeen, iyo in heshiiska Muqdisho uu ahaa mid  “ay iyagu keeneen”, waa Madaxda maamul goboleedyadee (Eeg Hiraan Online 19/9/2020).

Si kastaba, suurtoobidda in Mudane Rooble uu ku guuleysto hawsha loo xilsaaray, ka sokow dadaalkiisa iyo dadaalka xubnaha xukuumaddiisa waxay ku xiran tahay sida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u la duubto Ra’iisulwasaaraha cusub si xukuumaddiisa ay hawshan uga soo dhalaasho, taasoo micneheeda yahay inay isku xiran tahay masiirka Xukuumadda Ra’iisulwasaare Rooble iyo mustaqbolka siyaasiga ee Madaxweyne Farmaajo.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -