Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad goordhaw kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Diyaarad yar oo nuuca xamuulka qaada ah ayaa goordhaw kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana socda baaris ku aadan khasaaraha ka dhashay shilkaasi diyaaradeed.

Sida aan wararka ku helnay diyaaradan ayaa waxaa lasoo daristay cilad taa oo keentay in ay ku dhacdo qeyb kamid ah garoonka diyaaradaha aadan Cadde, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in khasaaro jiro.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Wasaarada Gaadiidka ayaan wali ka hadlin diyaaradan ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kale lama hayo faah faahinta diyaaradan iyo waliba cida iska laheyd.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Saameyn intee le’eg ayuu reebay qaraxii Zoobe Masa bedelay Taariikhda Soomaaliya !!

admin

Burcad shacabka ku dhaceysay bastoolad caag ah oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

Qarax bam oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---