Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay in uu tanaasulay xili shirkii Muqdisho lagu kala tagi rabay

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo caawa hadal ka jeediyay Munaasabad casho sharaf iyo sagootin   loo sameenayay Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka hadlay sababta uu uga tanaasulay doorashadii uu ku dhegnaa ee qof iyo cod.

Waxa uu sheegay Madaxweynahs in tanaasul badan sameeyay intii uu shirka uga socday Muqdisho isaga iyo Madaxda Dowlad goboleedyada si uusan shirka socday loogu kala tagin natiijo la,aana uusan dhamaan.

Farmaajo ayaa tilmaamay in uu go,aansaday in uu ka tanaasulo qodobo badan uu ku dhegnaa ay kamid tahay hirgalinta doorasho qof iyo cod ah markii shirku ku dhawaaday in lagu kala tago.

“Waxaan ku tanaasulay markii ay gaartay meesha u dambeysay oo ah in lakala tago, waxaa i soo baxday labo inaan kala doorto, waxay kala yihiin in dalka aan isku haayo oo aanu kala tagin iyo in aanu shisheeye na soo faragelin oo aysan isu keen soo jiidin ayaa keentay inaan qaato tanaasul, waxeena ha xumaado ha samaato aan gaarno go’aankeeda mas’uuliyadeeda qaadano, laakiin shisheeye aanu marna na soo dhex gelin”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ugu dhegnaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo u muuqatay xiligan mid aan qabsoomi karin  waxa uu sidoo kale Madaxweynaha ka tanaasulay damaciisa mudo kordhinta ahaa kadib markii lagu diiday.

- Advertisement -