Faahfaahino ka soo baxaya dil caawa Wasiir ka tirsan Hirshabelle loogu geystay Jowhar

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaabkii uu dhacay dilkii caawa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe loogu geystay Wasiir ku-xigeenkii arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle Nuur Xaashi Warsame.

Dabley Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney weerar gaadmo ah ku soo qaadeen wasiirka xili ii ku sugnaa agagaarka hoygiisa oo ku yaalla xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar.

Marxuum Nuur Xaashi Warsame oo sidoo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle ayaa xiliga la dilayey ka soo laabtay Masaajid uu ku soo tukaday salaada Cishaha sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Ciidamada amaanka Maamulka Hirshabelle ee magaalada Jowhar ayaa gaaray goobta lagu dilay wasiirka, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano lagu baadi goobayo raggii fuliyey dilkaas oo baxsaday.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa ka tacsiyadeeyey dilka Wasiir ku-xigeenkii arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle Nuur Xaashi Warsame oo noqonaya wasiirkii labaad ee muddo bil gudaheed lagu dilo magaaladaas.

Dhowaan ayey markii sidan oo kale xili habeenimo ah lagu dilay magaalada Jowhar C/qaadir Abuukar Karaani oo ahaa Wasiirkii Beeraha dowlad goboleedka Hirshabelle kana mid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas, waxaana masuliyada dilalkan sheegtay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -