Raisul Wasaarihii hore oo ka hadlay heshiiska laga gaaray doorashada Somalia

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay heshiiska doorasho ee ka soo baxay shirkii madaxda dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada ee caawa lagu soo gebagebeeyey Muqdisho.

Khayre ayaa ku baaqay in la fuliyo qodobada heshiiskaas, si uu u dhaqan galo.

“Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorasho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay. Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka” ayuu yiri Khayre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalmo ka hor shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia, kana qeyb galay doorashada bilaha soo socota ka dhici doonta dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -