Al Shabaab oo xilka ka qaaday Sheekh Yuusuf Kabakudukade iyo Sargaal kale oo lagu bedelay

Maktabka Siyaasadda iyo xiriirka gobolada ee Al Shabaab ayaa isbadal dhinaca maamulka ah ku sameeyay gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana xilka laga qaaday Gudoomiyihii gobolkaasi ugu magacawnaa Al Shabaab iyadoona lagu bedelay Gudoomiye cusub.

Sida lagu baahiyay Warbaahinta Al Shabaab waxaa xilkii Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe laga qaaday Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutkade oo sanado badan Gudoomiye ka ahaa gobolkaasi, waxaana lagu bedelay Sheekh Cabaas Abu Maxamad.
Munaasabad lagu qabtay degmo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa lagu shaacinayay isbadalka dhinaca maamulka ee ka dhacay gobolkaasi, waxaana Al Shabaab dadka ku dhaqan Gobolkaasi ku wargalisay in Gudoomiye looga dhigay Sheekh Cabaas.
Al Shabaab ayaa inta badan isbadalo dhinaca maamulka ah ku sameysa gobolada ay joogaan, waxaana Sheekh Kabakudukade kamid yahay Gudoomiyaasha ugu waqti dheer ee dhinaca Gobolada Wakiil uga ahaa Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -