Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa intii uu socday lagaga hadlayay Arimaha Doorashooyinka dalka iyo amaanka,waxa ayna labada dhinac si qoto dheer  u falanqeeyeen Xaalada kala guurka ah iyo sidii ay u dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay.
Axmed Madoobe ayaana Wakiilada Beesha Caalamka uu la kulmay u gudbiyay aragtida maamulkiisa ee ku aadan doorashada dalka iyo sidii marxalada kala guurka looga gudbi lahaa iyadoon wax dhibaato ah dhicin.
Kulankan Axmed Madoobe la qaatay ayaa Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Safiirka Ingiriiska Ben Fender, iyo Wakiilo ka kala kasocday Maraykanka iyo Midowga Afrika.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada kulamo ay la qaadanayaan Madaxda kala duwan ee maamul goboleedyada, waxa ayna inta badan kala hadlayeen arimaha doorashada gaar ahaan sidii doorashada u noqon laheyd mid raali laga wada yahay kuna dhacda waqtigeeda.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -