Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddi Wasiir Goodax su’aalo ka weydiiyey natiijadii shakiga dhalisay ee Imtixaanka

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka sare BFS ayaa kulan xog wareysi la yeeshay Siihayaha wasiirka wasaarada waxbarashada C/llaahi Goodax Barre.

Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gudiga iyo sii hayaha wasiirka ayaa waxa ay qaateen kulan saacado socday kulanka markuu soo gaba gaboobay waxaa saxaafada la hadalay Siihayaha wasiirka Wasaarada Waxbarashada XFS C/laahi goodax bare waxa uu sheegay in gudiga uu warbixn guud ka siiyay waxqabadka wasaarada waxbarashada , Natiijada imtixaanka dugsiyada sare dalka iyo arimaha jaamacadaha soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka BFS Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa sheegay in siihayaha wasiirka waxbarashada uu warbixin guud ka siiyay waxbarashada dalka iyo halka ay marayso.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa si aad ah loo hadal hayay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka iyo kaalimaha ardayda galeen oo dood culus ay ka dhalatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Kulan Dhax maray Xasan Sheekh iyo Farmaajo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dalka marti-gelinaya kulanka labaad ee Trump & Kim John un oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo dhalinyaro Ciyaal weero ah ka qabqabtay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---