Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo fagaare ku toogatay Afar Nin oo gacanta ugu jiray (Akhriso Magacyada)

Xarakada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhaxe ku toogtay afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwo wadamo shisheeye.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee la saaray afartan nin ayaa ku eedeeyay in ay ahaayeen jawaasiis qaarkood ficiladii ay sameeyeen dhibaato ka dhalatay iyo kuwa laga hortagay kahor inta aysan shirqoolo geesan sida uu tilmaamay qaadiga Al Shabaab.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha afartan nin lagu tooganayay , waxaa sidoo kale goobta toogashada ka dhacday ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab.

Halakn ka Akhriso Magacyada afarta nin ee la toogtay iyo dambiyada lagu eedeeyay

1- Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dowlada federaalka Soomaaliya.

3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay in basaas u ahaa sirdoonka Dowlada Soomaaliya.

4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) ayaa isna lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay sirdoonka dowlada Kenya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in uu ka howlgali jiray Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Al Shabaab ayaana dhawaan sidaan oo kale afar nin oo iyana ku eedeeyeen basaasiin ku toogtay fagaare kuyaala Deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo , waxaana jira rag kale oo iyana Al Shabaab ku eedeeyeen falal basaasnimo oo xabsi ugu jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Abiy Ahmed oo kashifay qorsheyaal halis ah oo ay damacsan tahay TPLF

Caydiid Ali

Taliyihii booliiska Galmudug oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Wasiir saaxiib dhaw la ahaa Meles Zenawi oo lagu riday xukun adag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---