Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madasha Xisbiyada Qaran oo mowqif lama filaan ah ka qaadatay heshiiskii Dhuusamareeb III

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweysay natiijada ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee ay ka qeyb galeen madaxda DF, dowlad goboleedyada qaarkood iyo maamulka gobolka Banaadir.

Warka madasha ayaa ahaa mid lama filaan ah, maadaama mucaaradka dowlada qaarkood iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka soo horjeesteen natiijada shirkaas, waxaana dad badan ay saadaalinayeen iney ku gacan seyri doonaan sida looga bartay madaxda mucaaradsan DF.

Qoraal ka soo baxay madasha ayaa si gaar ah loogu soo dhoweeyey hannaanka doorashada ee ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb III waxayna u aragtaa hannaankaasi inuu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah si loo qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda oo loo dhan yahay.

Madashan oo ay hogaamiyaan madaxdii hore ee dowlada Somalia ayaa tilmaantay in heshiiska Dhuusamareeb 3 uu weli u baahan yahay dhameystir wada-ogol ah sidii horey loogu madlanaa, ayna muhiim tahay in laga qeyb geliyo dhinacyada ka maqan.

Hoos ka akhriso qoraalka Madasha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha G/Mudug iyo xubno kale oo ku soo baxay doorasho ka socota Garowe

Caydiid Ali

Nin kufsi u geestay Meydadka Haween badan oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

NISA oo dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo ku socotay Al-shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade