Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Villa Somalia oo jawaab adag ka bixisey eedeymaha Guddoonka Aqalka sare

Madaxtooyada Somalia ayaa goor dhow jawaab kulul ka bixisay eedeymo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi u jeediyey madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Cabdi Xaashi ayaa sharci daro ku daro ku tilmaamay hadal uu shalay Farmaajo jeediyey oo ahaa iney golaha shacabka ku soo celin doonaan natiijada ka soo baxda shirka Dhuusamareen 3, isagoo tilmaamay in Madaxweynuhu ka tagay, meeshana ka saaray kaalintii uu lahaa aqalka sare oo metela dowlad goboleedyada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in doorkii uu lahaa aqalka sare ay meesha ka saareen madaxda dowlad goboleedyada.

“Haddii Golaha Aqalka Sare uu si dhab ah u matalo Dowlad Goboleedyada, waxay si buuxda u aqbali lahaayeen shuruucdii uu Aqalku meel mariyay, loomana baahdeen in Dowlad Goboleedyadu ay markale miiska soo fariistaan iyaga oo dood ka qaba shaqadii ay u soo wakiisheen Aqalka iyaga matala” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Madaxtooyada Somalia iyo guddoonka aqalka sare oo horeyba aanu xiriirkoodu u wanaagsaneyn ayaa muuqda in khilaafkooda uu cirka isku shareerayo, waxaana muuqata in Villa Somalia ay aqalka sare ka qaadatay go’aan cad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 590 Maxbuus oo ku xiran Xabsiyada Somaliland

Cabdi Cade

AMB Ismaaciil Geesa cadde oo isku soo sharaxay Xildhibaanimo iyo Beeshiisa oo taageertay (Sawirro)

admin

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Guddiga doorashada heer federaal & dowlad goboleed?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---