(Sawirro) Guddoomiye Gacal oo furay laami cusub oo isku xiraya labada dhinac ee Gaalkacyo

Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta Xariga ka jaray waddo laami ah oo isku xirta Woqooyiga iyo Koonfurta magaaladaas.

Wadadan ayaa dhawaan waxaa dhagax dhigay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Xarig jarka Waddadaan laamiga ah oo lagu dhisay Mashruuca Nabada iyo is dhaxgalka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka kala socday Puntland iyo Galmudug, Masuuliyiinka Gobolka iyo kuwa Degmada Gaalkacyo ee laba dhinac iyo qaybo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka.

Ku-xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdir Maxamed ayaa Xarig jarka kadib waxa uu Warbixin ka sii Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mashaariicda horumrineed ee ka socda Magaalada waxaana uuna sheegay in Shacabka ku nool labada dhinac ee Magaalada ay ka miidaysan yihiin ilaalinta amaanka iyo isdhexgalka bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -