Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo sheegay iney burburiyeen Saldhig ay lahaayeen Al-Shabaab (Sawirro)

Ka dib howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandoska Danab ee Xoogga dalka ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Lafaha-ragga oo u dhow magaalada Kismaayo ayey gabi ahaanba ku burburiyeen saldhig Kooxda Alshabaab ku lahaayeen halkaasi sida ay sheegeen saraakiisha ciidankaasi

Waxay intaas ku dareen iney khasaaro gaarsiiyeen dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-shabaab ee saldhigaas joogay gacantana ku dhigay saanad ciidan oo halkaas u taalay.

Degaanka ayaa ahaa xarun ay isaga kala gudbi jireen al-shabaab, waxaana haatan fariisin ka dhigtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida saraakiisha Danab ay sheegeen.

“Howlgalka qorsheysan ee ay fuliyeen ciidanka kumaandooska danab ayaa waxaa lagu dilay Lix dagaalyahan sida uu sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fagaaraha Midnimada Qaranka (Ex-Baarlamaan) oo xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jaamac Kabaweyne oo iska diiday xil loo magacaabay iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Xukuumada Khayre oo codsi muhiim ah hor dhigay Aqalka sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---