Daawo Sawirada :Madaxweyne Dani oo ciyaar xiiso badneyd ku daawaday Gaalkacyo

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa galabta ka qeybgalay Ciyaar kubadda Cagta ah oo lagu xusayo munaasabadda 1da August sanad-guurada 22-aad ee Asaaska Puntland.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee ku yaalla xarunta hay’adda GECPD Somalia , waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Senataro ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya, xubno ka mid ah Goleyaasha Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, Haweenka Gobolka iyo dhallinyaro.

Madaxwayne Deni ayaa ciyaarta markii ay dhammaatay abaalmarino guddoonsiyey ciyaartooydii soo bandhigtay ciyaar wanaaga.

- Advertisement -