Madaxweyne Deni oo shacab badan Salaadii ciida kula tukaday Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullahi Deni, ayaa maanta salaadda Ciidul Addxaaga Dadweynaha kula tukaday Masaajidka Xaaji Cali Biixi ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Puntland, ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciida, wuxuuna bulshada ugu baaqay ka shaqeynta illaalinta Nabadda, midnimada iyo horumarka.

Sidoo kale waxaa tukashada salaada ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo maamulka Galmudug.

Hadal Madaxweyne Deni uu salaada Ciida ka dib khudbad kooban ka jeediyey Masaajidka ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ugu hambalyeeyey munaasabada ciida, isagoo alle uga baryey iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan horumar iyo Barwaaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -