Heyad caalami ah oo kashiftay sababta uu Internetku uga qo’ay qeybo ka mid ah Somalia

Shabakadda Netblock ee la socota dhaqdhaqaaqa internet-ka ayaa War ka soo saartay sababta keentay inuu go’o qadkii internetka ee Koonfurta Somalia oo maqnaa muddo ku dhowaad muddo 30 saacadood ah

Netblock ayaa cilladaas la xiriirisay dhacdadii baarlamaanka ee Sabtidii ee la sheegay in xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Cabdi Canshuur, ayaa sheegay in cillad farsamo ay ku dhacday xarigga internet-ka Fiber-ka ee badda hoos mara taasina ay sababtay inuu go’o internetka.

Wasiirka ayaa beeniyay in internet la’aanta ka jirta Muqdisho iyo gobolada qaar ay sabab u tahay arimo siyaasadeed, ayna ka dambeyso DF.

Hase ahaatee Shabakadda Netblock ee la socota dhaqdhaqaaqa internet-ka ayaa sheegtay ineysan jirin astaamo muujinaya iney dhacday cilad farsamo.

“Ma jirto wax muujinaya in xarig caalami ah oo badda hoosteeda mara uusan shaqeyneyn oo saameeyay Soomaaliya,” ayaa lagu qoray farriin Twitter ah oo shirkaddaas ay baahisay.

Netblock ayaa arrintan ku tilmaameysaa mid la jaray inay tahay, waxayna la xiriirineysaa xaaladihii siyaasadda ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya ka dhacay.

“Internetka ayaa la jaray ka dib markii Baarlamanka uu u codeeyay in meesha laga saaro Ra’isul Wasaare Khayre”, ayaa lagu qoray bogga Shirkadda.

Internet la’aanta qeybo ka mid ah Soomaaliya waxay saameyn xoogan ku yeelatay adeegyada xafiisyada, shirkadaha, bangiyada, xawiladaha iyo xarumo badan oo hawlahooda shaqo ay ku tiirsaneyd adeegsiga internet-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -