Masuul ka tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka oo la dilay & DF oo War ka soo saartay

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dil galabta askari ka tirsan ciidamada DF uu qof shacab ah ugu geystay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka tirsanaa ciidamo la socday gaari dagaal oo ilaalo u ahaa Gaari kale oo uu la socday Wasiirka Cadaalada Xukuumada Somalia.

Askariga ayaa la sheegay inuu ka shakiyey gaari uu watay marxuumka oo daba socday gaadiidka gelbinayey Wasiirka ka dib markii uu ku soo dhowaaday taasoo keentay inuu rasaas ku furo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday marxuumka la dilay, isagoo xusay in la xiray askariga falkaas geystay, lana baarayo sida ay wax u dhaceen, isagoo xusay in marxuumka uu ka mid ahaa shaqaalaha xeer ilaalinta Qaranka, taasoo meesha ka saareysa inuu ka mid ahaa shaqaalaha maqaayad ku taalla agagaarka Tre-piano.

“Waxaan la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shaqaalaha xafiiska Xeer-ilaaliya Guud ee Qaranka tacsi tiiraanyo leh geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Maxamed Cabdulqaadir Cilmi oo gacan ka xaqdaran ku dishay maantay magaalada Muqdisho. Marxuumku wuxuu kamid ahaa hawladeenada Xafiiska, wuxuuna ahaa shaqsi firfircoon oo karti iyo howl karnimo ku sifoobay. Waxaan alle uga baryayaa in uu u danbi dhaafo, jannadiisana uu geeyo. Gacan-ku-dhiiglahi dilay marxuuka waa la xiray, waxaana socota baaritaan” ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -