Toos u Daawo : Shirka Madaxda maamul goboleedyda oo goordhaw furmay

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug si rasmi ah uga furmay shir wadatashi ah ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada dalka ee hoostaga dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ayaana furitaankiisa la filayaa in Madaxda kala duwan ee maamul goboleedyada dalka in khudbado ka jeediyaan, waxa ayna Madaxda ka hadli doonaan aragtidooda ku aadan doorashada wali aan lagu heshiin waqtiga ay dhaceyso.

Sida qorshuhu yahay shirkan ayaa socon doona mudo sadex maalin ah, waxaana furitaanka shirka kadib madaxda maamul goboleedyada ay yeelan doonaan kulamo albaabada u xiran yihiin.

Gabo gabada shirka maanta magaalada Dhuusomareeb uga furmay madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa la filayaa in War murtiyeed wadajir ah laga soo saaro ayna uga hadlaan arimo badan oo xasaasi ah ay kamid tahay doorasho.

- Advertisement -