Dagaal goordhaw ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Nabad sugida iyo kuwa booliiska Haramcad.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka uu ka dhacay meel u dhaw xerada Inji oon sidaa uga fogeyn xarunta Madaxtooyada Galmudug, waxaana dhawaqa rasaasta labada ciidan is dhaafsanayeen laga maqlayay qeybo badan oo kamid ah magaalada.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa daba socda dil shalay magaalada Dhuusomareeb loogu geestay askari katirsanaa ciidanka Nabad sugida ee ka howgla magaalada dhuusomareeb kaa oo la sheegay in uu dilay askari booliis ah.

Saraakiil katirsan ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa ku baxay ciidamada goordhaw ku dagaalamay magaalada Dhuusomareeb, lamana oga wali khasaaraha ka dhashay dagaalkan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -