Dowlad Weyn oo dalkeeda ka mamnuucday isticmaalka Tiktok iyo Sababta keentay

Dowlada Hindiya ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda gabi ahaanba ka mamnuucday isticmaalka barta muuqaalada gaagaaban lasoo galiyo Tiktok ee laga leeyahay dalka Shiinaha.

War qoraal ah oo soo saartay dowlada Hindiya ayaa lagu sheegay in Barnaamijka Tiktok isticmaalkiisa khatar ku yahay madaxbanaanida dhuleed, sumcadda iyo ammaanka  guud ee dalka Hindiya.

Dowlada Hindiya ayaa sidoo kale dalkeeda ka mamnuucday 59 barnaamij ama App waa weyn oo gudaha dalkaasi laga isticmaali jiray, waxaana barnaamijyadaasi la mamncuuay ku jira Barnaamijka wada sheekeesiga ee Wechat.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Hindiya, ayaa sheegay in sababta ay u mamnuucayaan isticmaalka Tiktok iyo barnaamijyada kale ay tahay dacwo uga timid meela kala duwan uu sheegay in loo dhacay xogtooda khaaska iyada oon ogolaansho laga heysan.

”Mamnuucida barnaamijyadan waa arrin si dhab ah u taabaneysa madaxbanaanida dalkeena, waana arrin walaaceeda leh oo u baahan in si degdeg wax looga qabto,”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Hindiya.

Barnaamijka Tiktok ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa si weyn caan uga noqday dunida, waxaana dalka indiya kaliya dadka isticmaala Tiktok lagu sheegay in ay gaarayaan 120 milyan oo qof.

Mamnuucida Tiktok iyo barnaamijyada kale oo qaarkood laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa kusoo aadaya xili ay sii kordheyso xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dal, waxaana ciidamo badan labada dal geeyeen xuduuda ay ku muransan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -