Ra’isul Wasaare Xaaskiisa Shaqo been abuur ah u sameeyay oo Xukun adag lagu riday

Maxkamad kutaala dalka Faransiiska ayaa xukun adag oo xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi François Fillon iyo xaaskiisa, kadib dambiyo lagu soo eedeeyay oo lagu helay.

François Fillon oo Ra’isul Wasaare ka ahaa dalka Faransiiska intii u dhaxeysay 2007 iyo 2012 ayaa lagu helay in xaaskiisa u sameeyay shaqo been abuur ah ay ku qaadaneysay mushaar badan.

Xaaska Ra’isul Wasaarihii hore dalka Faransiiska ayaa shaqo aysan waligeed qaban oo aheyd in ay katirsan tahay Shaqaalaha Baarlamaanka Faransiiska ku qaatay lacag badan oo mushaar ah.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Faransiisla François Fillon, ayaana lagu riday shan sano oo xabsi ah, waxaana meesha lago saaray labo sano oo kamid ah shataasi sano  sida garsoorka Maxkamada sheegeen.

Waxaa sidoo kale lagu ganaaxay Ra’isul Wasaare hore Fillon iyo xaaskiisa in ay bixiyaan lacag ganaax ah oo gaareysa $423,000 oo doolar iyo in ay dib usoo celiyaan kacag gaareysa hal Milyan oo Ginni.

Garsooraha maxkamadda xukunka riday ayaa sheegay in Mrs Fillon lagu helay dambi ah in loo sameeyay shaqo been ah, waxaana sidoo kale lagu helay dambi ah in ay lunsatay lacagta dadweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -