Allbanaadir.com
NEWS

Maamul goboleedkii ugu horeeyay oo qaadacay Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casuumay

Maamul goboleedka Puntland ayaa qaadacay ka qeyb galka Shirka Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oon wali la shaacin xiliga uu dhacayo ayaa looga hadli lahaa Doorashada dalka, waxaana qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu casuumay maamul goboleedyada in shirkaasi kasoo qeyb galaan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa meesha ka saaray casuumada Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna xusay in ay taageersan yihiin baaqii aqalka sare ee ahaa in shir isugu yimaadaan Madaxda dalka iyo kuwa maamulada.

Maamul goboleedka Puntland oon xiriir wanaagsan la laheyn dowlada federaalka Soomaaliya ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee qaadaca shirka uu maamulada ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Casuumada Madaxweyne Farmaajo u fidiyay maamul goboleedyada ayaa timid xili Aqalka sare ku baaqay in shir deg deg ah isugu yimaadaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada si looga arinsado dooarshada dalka ka dhaceyda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo ka qeyb galay aaska qoys ku le’day guri ku soo dumay (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Yare iyo Ciidamo badan uu watay oo loo diiday in ay ka dhoofaan Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay Soomaali badan oo laga masaafurinayo dalka Canada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---