Qoor-qoor oo ka hadlay qorshe halistiisa wata oo laga bilaabayo degaanada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixinayo sidii Maleeshiyaadka tirada badan looga qaadi lahaa hubka.

Qoor-qoor ayaa sheegay in ay doonayaan inay mideeyaan Awoodda maamulka Galmudug, isla markaana Maleeshiyaad beeleedyadda loo badali doono ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Maamulka Galmudug.

“Galmudug maanta waxaan ka xoreyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira si aan awooda u mideyneyno, hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Waxaa uu xusay in qorshahan hub ka dhigista uu yahay mid adag oo dhib badan balse  Galmudug nabadeeda lagu xoojinayo.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay Maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen isaga oo shaaciyay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -