Al Shabaab oo Shaacisay tirada askarta ay ku dileen Qaraxii saakay ka Dhacay Muqdisho

Waxaa saakay qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa kusoo xiray Waxyaabaha qarxa uu ka dhacay barxada Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye.

Qaraxan waxaa ka dhasha khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna qaraxu dhacay xili ciidamo katirsan booliiska ay isku diyaarinayeen in ay safka galaan ayna bilaabaan gaardis.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ku dhawaad 15-askari oo katirsan ciidanka booliiska, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay tiro intaa ka badan kuwaa oo lagu daweenayo xarumaha caafimaadka.

Xarakada Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxan, waxa ayna Shabaab sheegeen in ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu ku dilay Xerada saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka howl galada Kooxda Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in qaraxa saakay ka dhacay Muqdisho ku dileen 27-qof oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska .

Qaraxan saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay magaalada ka nasatay qaraxyada, waxaana ciidamada amaanka Muqdisho ka wadeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -