Dowlada Soomaaliya oo goordhaw shaacisay in beri oo sabti ah la ciidayo lana arkay Bisha Shawaal

Wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in beri oo sabti ah ay tahay maalin ciid ah lagana arkay bisha Shawaal qaar kamid ah gobolada Dalka.

Wasiirka Owqaafta iyo arimaha diinta xukuumada Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo goordhaw Warbaahinta dowlada la hadlay ayaa shaaciyay in beri oo sabti ah ay tahay maalin ciid ah kadib markii meelo badan laga arkay bisha Shawaal.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dhoor qof oo lagu kalsoonaan karo lana sugay in ay meelo kala duwan ka arkeen bisha shawaal, waxa uuna cadeeyay in beri ay tahay maalin ciid ah isagoona umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciida.

Dowlada ayaa saacado kahor shaacisay in beri oo sabti la dhameestirayo 30-ka soon balse baaritaano iyo xaqiijin kadib ayaa ugu dambeyn Wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta shaacisay in beri ciid tahay lana arkay bisha shawaal.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -