Mid kamid ah maamul goboleedyada dalka oo ku dhawaaqay in beri Ciid tahay

Maamulka goboleedka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay in deegaano katirsan maamulkaasi laga arkay bisha Shawaal sidaa darteed maalinta beri oo sabti ah ay tahay maalinta koobaad ee ciidul fitriga.

Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa caawa shaacisay in dhoor deegaan oo katirsan maamulka Jubbaland laga arkay bisha Shawaal lana xaqiijiyay.

Agaasimaha Waaxda Diinta iyo Owqaafta ee  Jubbaland Cabdullaahi Maxamed Cali oo la hadlay Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay in beri ay tahay maalin ciid ah lagana arkay bisha Shawaal deegaanada Buulo Xaaji iyo deegaanka Xanyo oo ka tirsan Afmadow.

Go’aankan Jubbaland ku shaacisay in beri tahay maalin ciid ah ayaa imaanaya xili dowlada Soomaaliya iyo dowlado kale oo Sacuudiga ku jirto shaaciyeen in beri la dhameestirayo 30-ka 30- Ramadaan lana ciidayo maalinta axada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -