Ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe oo hoygeeda kala baxay Aamino Shukri Ibraahim

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa la sheegay iney hoygeeda oo ku yaalla magaalada Kismaayo kala baxeen haweeney caan ah oo ka tirsan dadka mucaaradsan Axmed Madoobe

Aamino Shukri Ibraahim ayaa la sheegay iney ka tirsaneyd Golaha Isbedal doonka Jubbaland ee dhowaan madaxdii hogaamineysay la heshiiyey Axmed Madoobe, waxayna si weyn uga soo hojeesatay heshiiskaas.

Ehellada Aamina xubno ka tirsan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada Jubbaland ay ka dambeeyeen falkaasi.

Lama oga illaa hadda sababta loo xiray haweeneydan iyo halka ay geeyeen ciidamadii hoygeeda kala baxay, maamulka Jubbaland ayaana weli ka hadlin arrinta xarigeeda oo si weyn looga hayo magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -